Nadwo Cilmiyeedkii 15aad oo Ka bilawday Magaaladda Boosaaso.

Date:

Waxaa Xalay ka bilowday Masjidka wayn ee Al-Rawda  Nadwo Cilmiyeedkii  15-aad ee Sannadlaha ahayd  oo ka dhici jirtay magaalada Boosaaso.

Nadwadan oo ciwaankeedu ahaaGundhigga Islaaxa Ummadda iyo Caqabadaha Hortaagan.

Kadib markii Aayadaha Quraanka lagu furfurtay, waxaa hadalka qaatay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo bogaadiyay Nadwada iyo culumada soo qabanqaabisay, intaa kadib waxa uu boqorku  ka hadlay waddanka xaaladda uu ku jiro iyo abaaraha ka jira,  oo uu ku tilmaamay in ay abaartan tahay tii ugu darnayd oo abid nasoo marta,  waxa uuna tilmaamay in dhibaatadaas looga bixi karo Cabsida Alle iyo ummaddu in ay Ilaaheed u noqoto.

Waxaa Intaa kadib kalimado soo dhawayn iyo ula jeeddooyinka loo qabto nadwooyinka sannadlaha ah ka  hadlay labada sheikh ee kala ah Sh. Axmed Daahir iyo Sh.C/Raxmaan Bukhaari, waxayna labada sheekh u mahad celiyeen culumada ka qayb qaadanaysa Nadwada oo ka kala yimid dal iyo dibadba.

Intaa kadib waxaa si toos ah loo guda galay darsigii koowaad oo ku saabsanaa Sooyaalka Caqlaaniyiinta iyo dhibaatooyinka fikirkaas oo uu soo jeediyay Sh. Fu’aad Maxamuud X.Nuur.

Ugu horrayn waxa uu sheekhu qeexay waxa ay yihiin Caqlaaniyiintu, waxa uuna sheegay in lagu tilmaamo ”Koox isu taagtay in ay baddasho Sooyaalka ay ummadi leedahay ” ,  sidoo kale waxa uu sheegay in lagu tilmaamo “Koox aaminsan in diinta la oggolaysiiyo fikirada ku xooggan adduunka”.

Intaa kadib waxa uu ka warramay fikirkaan meesha uu ka soo jeedo iyo cidda bilowday, waxa uuna sheegay in uu kasoo jeedo firqada culumada islaamku ay u yaqaannaan MUCTAZILAH(المعتزلة) kooxdaas oo aaminsan In Caqliga laga hor mariyo wax walba oo diintu sheegtay, kooxdaas oo diidday in qabriga la isku cadaabayo, axaadiithta tilmaamaysa dheelmiska nabiga NNKH, Soo dagista Nabi Ciise NKH iyo waxyaabo badan oo diintu sugtay.

Gabagabadii waxaa soo gunaanaday darsigaas sh.axmed faarax Garaase oo tilmaamay sababaha keenay caqlaaniyadda iyo hababka looga hor tagi karo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo salaadda janaasadda ku tukaday AUN  Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo si rasmi ah ugu biirtay Ururka Afrika ee Dhowrista Xogta (NAPDA)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo soo baxday

1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka...

Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka...