Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir oo Xalay Si ramsi ah xilkii ula Wareegay

Date:

Munaasabadan oo uu Xilka Kula wareegaye Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabit cabdi Maxamed ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Fedraalka Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre Wasiira katirsan xukuumada Xildhibaana katirsan Aqalka sare iyo Golaha shacabka Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Saraakiil katirsan Ciidamada qalbka sida Fanaaniinta ubaxa Boondheere marti sharaf iyo dadweyne aad u tira badan kaas oo ka dhacday Aqalka dowlada Hoose ee Xamar.

Masuuliyiinta kala duwaneed ee munaasabada ka hadlay ayaa Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir ku amaanay da’daalka uu ku bixiyay hormarka Magaalada iyadoo dhanka kale sheegay in ay garab istaagi doonan Gudoomiye Taabit,

Gudoomiyihii Hore ee Gobalka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo munaasabada ka hadlay ayaa aad ugu mahad celiyay shacabka soomaliyed iyo maamulkii ay isla soo shaqeeyen.

“ waxaan  aad iyo aad ugu mahad celinaaya dhamaan shacabkii Soomaliyed iyo Maamulkii iyo shaqaala weynaha Dowlada hoose mudadii koobned sida ay iila soo shaqeeyen oo ay iigu garab siiyeen howsha adag ee la taaban karo ee laga qabtay magaalada Muqdisho waxaan idin lee yahay idinma hilmaami doon”

Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit Cabdi Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in maamulkiisa uu xooga saari doono Hormarka iyo xasiloonida caasimada.

“ xamar cadey waxey horey u aheyd magaala qurux badan oo xasiloon maamul keyga waxuu waxbadan ka qaban doono sareenta sharciga xasilooni iyo wax qabad sidoo kale waxaan doorka koobaad ka dhigi doona ilaalinta nafta iyo hantida dadweynaha”

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Taabit ayaa dadka kasoo qeyb galay munaasabada ka dalbaday in ay ka qeyb qaatan tabarucaada loogu gurmanaayo dadka soomaliyed oo ay abaaruhu saameeyen kuwaas oo qaar kood kusoo barakacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Dowlada Soomaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa kula dardaarmay Gudoomiyaha Gobalka Banaadir  in uu kasoo dhalaalo balad qaad yadiisa.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Soomaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo munaasabada ka hadlay waxa uu ka dalbaday umada Soomaliyed in ay wax waliba ka hormariyaan Soomalinimada islamarkaana ay Dowlada diyaar u tahay in lala xisaabtamo.

Munaasabada marka ay soo gaba gabootay ayaa waxaa shahaadooyin la gudoon siiyay qaar kamid ah masuuliyiinta iyo howl wadeenada Dowlada Hoose ee Xamar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...