Wasiirka Maaliyadda oo qado sharaf u sameeyey shaqaalaha Wasaaradda

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa  qado sharaf ugu sameeyey shaqaalaha Wasaaradda Hotel City Palace ee Magaalada muqdisho, waxaana ka soo qayb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Xooghayaha Joogtada ah, dhamaan Agaasimayaasha Wasaaradda, iyo La taliyayaasha.

Ugu horayntii Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in maanta ay qiimo weyn ugu fadhido wasaarada, maadaama hal meel lagu wada qadeeyey, u jeedka laga leeyahayna ay tahay is xog waraysi iyo isbrasho.

“Waa arin lagu farxo, maxaa yeelay waa markii kowaad ee shaqaalaha wasaaradu ay isugu yimaadaan dhamanatood kulan noocaan ah, wuxuuna kulankaan ku saabsan yahay isbarashada shaqaalaha dhexdooda iyo Wasiiradda. In ay maanta is bartaan waaxyaha dhexdooda ayaa leh muhiimad gooniya, madaama ay ka shaqeeyaan shaqaalaha qaarkood meel ka baxsan Wasaaradda, waxaa intaas dheer in lagu iclaamiyo kulankaan inuu bilowday isla xisaabtan dhab ah oo shaqaaluhu wajahayaan, cidii shaqaadeeda ka soo bixi weydana si adag loola xisaabtamayo cidi shaqo wacan la timaadana la abaal marin doono” ayuu yiri Wasiiru dowluhu.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Bayle ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta Madaxdii Wasaarada Maaliyadda oo dhaqaalaha dalka gacanta ku haysay hal meel ku wada qadeeyaan kuna sheekaystaan, si ay isu bartaan si wacana isula shaqeeyaan.

“Waxaan isugu kiin yeeray inaan is barano, in aan la socdo dhibaatoyinka mar kasta idinka hor imanaya, waxaan idinka mahad celinayaa  sida aad ugu dhabar adeegteen dhibaatooyinka amnni iyo nololeed ee dalka ka jira, qaarkiin ayaa iyagoo  xabadu meel kasta ka dhacayso jaamcado dhiganayey, waana ku farax sanahay  sida diiran oo aad isoo dhaweyseen, waana idinla shaqaynayaa, waajibka layga rabo waa in idinka iyo shaqaalaha kale ee dowladda ay helaan mushaarkooda si joogta ah”.

Wasiirka oo sii hadlayey ayaa yiri “Inaan la soo noqono xornimadeena waxay u baahan tahay inaan isku tashano, qof walbana masuuliyadiisa oo dhab ah ka soo baxo, wadana kuma hormaro inuu haysto Macdan, Dahab, Shidaal iyo Dheeman, ee waa dadka iyo sida ay uga fa’iidaysataan maskaxdooda ayaa abura horumarka, una fakaraan horumarka dalkooda. Hadaa nahay Soomaali inta caalamku shaqeeyo laba jibarkeed waa in la shaqeeyo, si dalkaan meesha uu joogo looga hormariyo, waxaa jira wadamo aan khayraad lahayn, lakiin dadkooda ay ka go’an tahay in ay wax qasadaan” ayuu yiri wasiir Bayle oo dhanka kale xusay in miisaaniyadda dalka ay tahay 260 milyan,  120 milyan oo kamid ah ahna laga sugo deeq bixiyayaasha caalamka, sidaas daraadeena uu qof walba dareemi karo culayska dhaqaale ee dowladda haysta.

Wasiirka ayaa ugu danbayn sheegay in dalkeena uu aad uga hooseeyo wadamada Africa, sidaas daraadeedna looga baahan yahay shaqaalaha dowladda in ay xooga saaran sidii dalku dib ugu soo kaban lahaa. Sanadka aakhirkiisana laysla xisaabtamo si dhaqaalaheenu u noqdo mid horumar sameeya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...