Madaxweyne Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Isutagga Imaaraadka  Carabta u ambabaxay

Date:

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u ambabaxay wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta iyadoo safarka uu maanta dalka uga  ambabaxay ay tahay safarkiisii afaraad ee dibada uu ugaga baxo dalka tan iyo markii uu  ku guuleystey doorashada Madaxweynaha Soomaaliya horaantii bishii Febraayo.

Booqashada uu ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaa la xiriirta sidii uu madaxda Imaaraadka Carabta ugala hadli lahaa arrimo la xiriira xiriirka labada dal, iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda.

Madaxweyne Farmaajo iyo Wefdigiisa,  ayaa la filayaa in si weyn loogu soo dhoweeyo waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala...

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka...