Lataliyaha amniga Qaranka madaxweynaha oo fasiray hadalkii uu ku iclaamiyey xaalad dagaal

Date:

Lataliyaha  Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa fasiraad ka bixiyey Iclaamintii madaxweynuhu ku sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal.

Xuseen Macallin oo ah taliyaha amniga Qaranka madaxweyne Farmaajo, ayaa ku micneeyey hadalkii madaxweynaha in aysan aheyn xaalad deg deg ah  ee micnuhu uu noqonayo diyaar-garow dagaal ka dhan ah kooxaha nabad-diidka.

Xuseen ayaa sheegay in tallaabadan ay ku timid kaddib markii madaxweynaha uu ballan-qaaday in uu mudnaan gaar ah siinayo amniga iyo la dagaallanka argagixisada, taas ayaana u suurogalisay in isbaddel uu ku sameeyo taliyeyaasha ciidammada dalka.

Lataliyaha , ayaa sheegay in xaalad dagaal micnaheedu uu noqon karo diyaar garoon dhanka ciidammada ah,  si loo qaado howlgallo ballaaran oo dalka looga sifeynayo kooxaha nabad-diidka.

Xaalad deg deg ah waa marka dalku ay soo wajahdo khadar u baahan in ay ka wada tashadaan hey’adaha dowliga ah ee uu ugu horreeyo Barlamaanka Federaalka, waxaa lagama maarmaan ah in ciidammada Qaranka ay helaan taageerada shacabka, si ay uga guuleystaan cadowga dalka iyo dadka, ayuu yiri Xuseen Macallin oo arrintaan wax laga weydiiyey

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo si rasmi ah loo shaaciyay

Guddiga Hubinta Iyo Ansixinta Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi...

50-kamid ah Ciidanka xaq u dirirka degaanka oo laga sagootiyay Muqdisho

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladd Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar...

Wasiirka Maaliyadda oo daah-furay hannaanka saxiixa Danabeysan ee Maamulka lacag bixinta

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige,...

Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu...