Madaxweynaha Kongo oo magacaabay Ra’iisul Wasaare

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Kongo, Joseph Kabila, ayaa u magacaabay Bruno Tshibala inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee dawladda awood wadaagga ah.

Mr Tshibala ayaa dalka hogaamin doona ilaa iyo inta laga qabanayo doorashada madaxweynaha, dabayaaqada sannadkan.

Waxaa bishii hore laga eryey xisbiga mucaaradka ee dalka ugu weyn, UDPS, ka dib markii uu u tartamay inuu noqdo qofki beddeli lahaa hogaamiyihii ruugcadaaga ahaa, Etienne Tshisekedi, oo dhintay bishii Febraayo.

Wariyeyaashu waxay sheegayaan in magacaabista Mr Tshibala ay sii fogeynayso kala qaybsanaanta mucaaradka Mr Kabila, ka dib markii uu burburay wadaxaajood ku saabsanaa sidii uu awoodda u wareejin lahaa todobaadkii hore.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...