Taliyaha cusub ee NISA oo xilka la wareegay

Date:

Munaasabadaan uu xilka kula wareegayey Taliyaha Cusub ee Ha’yadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa waxaa ka qeyb galey Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaalia avv Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale)  iyo ku Xigeenkiisa, Taliyayaasha Hogaanadda Ha’yadda iyo Saraakiil Ciidan

Taliyihi Hore ee Ha’adda Sirdoonka Soomaalia General Cabdullahi Gaafow Maxamuud ayaa ugu horeyn taliyaha cusub ku wareejiyey Documentiyo muujinaya xogaha iyo warbixino la xiriira shaqada hay’adda NISA, isagoo sheegay in xiligan ciidanka nabad sugiddu ay hayaan howl adag oo ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha Cusub ee Ha’yadda Nabadsugida iyo sirdoonka soomaalia C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa mahad celin kadib waxa uu balan qaaday in kor u qaadis iyo horumarin uu ku sameyn doono sahqada qaranku uu u wakiishay.

wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaalia Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo isna munaasabada xil wareejinta ah hadal kooban ka jeediyey ayaa taliyaha cusub ee  Sirdoonka Soomaalia u sheegey iney hortaalo shaqo culus loogana fadhiyo inuu kabaha la ilado Kooxda Ugus ee qaraxyadda dhiiga shacabka ku baneystay.

Ra’isul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaalia Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka sheekeeyey ahmiyadda Sirdoonku u leeyihiin Nabad galyadda Dal walba, dar daaran gaar ah ayuuna siiyey taliyaha Cusub iyo ciidamadda hay’adda NISA .

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...