Ugaas Maxamed wali oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan deeganno hoostaga Balcad

Date:

Odoyaasha dhaqanka Degmada Balcad ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaal beeleed ka dhacay deegaanno ka tirsan degmada, waxaana ay tilmaameen inay dhankooda ku dadaaleen sidii xabad joojin loo dhex dhigi laaha dhinacyadii ku dagaalamay tuulooyin hoostaga degmada.

Ugaas Maxamed-wali Ugaas Xuseen oo ka mid ah odoyaasha dhaqanka degmada ayaa Radio Muqdisho u sheegay inay ku guuleysteen sidii xabad joojin loo dhex dhigi lahaa, waxaana uu intaa ku daray inay jiraan deegaanno fog fog oo colaaddu ay gaartay.

Ugaas Maxamed-wali Ugaas Xuseen ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabeelle iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan colaadda ka jirta tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.

Dhanka kale Ugaaska oo ka hadlayay abaarta ayaa tilmaamay inay biyo dhaamin ka sameeyeen tuulooyin, balse aysan ahayn kuwa dabooli kara baahida halkaasi ka jirta, waxaana uu codsaday in gurmad dhan waliba ah lala soo gaaro qoysaska ay abaartu ku saameysay deegaanno ka tirsan degmada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...