FAALLO: Musuq-maasuqu waa dilaaga Dawladnimada

Date:

Muqdisho(SONNA)—inta aan u galin dulucda qoraalka marka hore aan is weydiino waa maxay Musuq-maasuq?, haddaan ka jawaabno su’aashaasi, waxaa la dhihi karaa Musuq-maasuqu waa wax is dhaafsi ama wax is daba-marin, haddii si kale loo dhigana waxa uu noqon karaa kan jecli kanna necbi iyo tani anigeey igu fiican tahay, taasina waxay dumisaa hoosna u dhigtaa heykalka Dawladnimo iyo hoos u dhac dhaqaale.

Haddaba Dawladda cusub ee uu Maamulkiisa ugu sarreeyo Madaxeynaha iyo Raiisul-wasaarahaba waxaa looga baahan yahay inay si adag ula dagaalamaan musuq-maasuqa,islmarkaana hoos u fiiriyaan dhaq-dhaqaaqa howlaha Xafiisyada Dawladda, haddii aan taas la helin waxay la kulmeysaa naceybka shacbiga oo ay horey u daashadeen musuq-maasuq iyo wax is daba-marin badan, iyadoo Dadweynaha Soomaaliyeed ay si weyn Indhaha ugu hayaan Maamulka cusub oo lagu naaaneeso Dawladda isbedelka.

Haddaan ka eegno dhanka Garsoorka iyo Cadaaladda waxay shacbigu ku leeyihiin ma dacwoon karo Qof Jeeb maran, adigoo arkaayana Xoolahaagii ayaa hortaada lagu siinayaa cid kale oo u soo dhaqaale urursaday xaqa masaakiinta danta yar, Dawladduna looga fadhiyo inay u hiiliso Dadka dan yarta ah, waayo Ummad la maamulo waxaa garsoor u ah cadaalad, haddi la waayana waxaa xumaanaya kalsoonida shacabka, horaa waxaa loo yiri Cadaaladda ayaa na wada deeqda.

Dhanka Wasaaradaha haddii aynu ka eegno waxaa lagu tilmaama inay ka mid yihiin meelaha musuq-maasuqu daashaday, waxaadna arkeysaa in shaqaale muddo fog u shaqeynayay Wasaaraddaasi oo khibrad iyo aqoonba u leh howshaasi in la yiraahdo adugu ma mudnid ee waxaa mudan Wiilka yarka ah ee aan wato iyo isdaabnarinta xuquuqda shaqaalaha, taasina ay ka dhalato hoos u dhaca wax soosaarka shaqaalaha.

Dhinaca Amniga haddaynu u galno, musuq-maasuqu marka uu galo waxaa hoos u dhacaya ammaanka iyo kala dambeynta, waxaana kordhaya qaraxyada, dilka, dhaca iyo waxyaabaha kale ee wax u dhimaya nabadgalyada Dalka, iyadoo arrinta Musuq-maasuqa ay horay uga hadleen Madaxeynaha Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Muadne Xasan Cali Kheyre, iyadoo ay Labada Masuul sheegeen in muhiimadda kowaad ay siinayaan la dagaalanka Musuq-maasuqa, waana laga dhur sugayaa inay ka dhabeeyaan arrintaasi.

Way adag tahay in Dal ka soo kabsanaya bur-bur dhinacyo badan leh inuu sim dhaqsi ah ula dagaalamo musuq-maasuq iyo wax is daba-marin, balse waxaan looga baahan tahay Xukuumadda cusub inay la timaado habka iyo nidaamka ay ula dagaalameyso, islmarkaana ay ku ciribtiri karto, waxaanse jeclaan lahaa in mar uun aragno qof Maxkamad loo soo taago Musuq-maasuq iyo wax is-daba-marin, sidaasi awgeed waxaa leeyahay Musuq-maasuqu waa dilaaga habka dowladnimo, sidaasi awgeed waxaa loo bahan yahay in arrintaasi xoogga la saaro sidii mar uun loo ciribtir laha.

W.Q: Jeylaani Juujuule

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...