Taliyihii hore ee ciidanka booliska oo tababbar u soo xiray saraakiil ciidan

Date:

Taliyihii hore  ciidanka booliska Soomaaliyeed  Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa saraakiil tababbar uga socday dugsiga Jeneraal Kaahiye ugu soo xeray, iyadoo dhinaca kalena tababbar u furay ciidamo kale.

Munaasibadan saraakiisha tababbarka loogu soo xeray waxaa goob joog ka ahaa Taliye xigeenada koowaad iyo labaad ee booliska Soomaaliyeed iyo madaxda hogaanada ciidanka booliska.

Ugu horayn waxaa gaada ka cayaar goobta ku soo bandhigay ciidamada tababbarka u xirmay.

Taliyaha dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye Gaashaanle sare Cabdikariin Macalin Xuseen ayaa ka warbixiyay dugsiga iyo saraakiisha tababbarka dhamaystay.

“Saraakiishan tababbarka dhamaystay waxay ahaayeen dad aad u fir fircoon, waxaana ka dalbanayaa kuwa haatan tababbarka galaya in ay ku daydaan ciidanka tababbarka dhamaystay oo ay ilaaliyaan waqtiga iyo nidaamka ciidanka u degsan.

Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa u mahadceliyay taliyihii hore ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in howlo badan oo lagu horumarinayo ciidanka uu qabtay,wuxuuna dhinaca kale la dar daarmay ciidanka tababbarka dhamaystay iyo  kuwa haatan uu u bilowday ,

“Xaamuud wax badan ayuu ka qabtay booliska , akadeemiyada Kaahiye sida ay horay ahayd waan la soconaa iyo haatan waxa ay tahay dhamaan ciidanka booliska ayaa Soomaaliyeed meel walba ha joogaan halkan ayaa lagu tababaraa” ayuu yiri Jeneraal Muqtaar.

Taliyihii hore ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud oo gaba gabdii munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka booliska loo baahan yahay in laga dareemo isbadal xagga aqoonta iyo la shaqaynta shacabka.

“Waxaa loo baahan yahay in qofka ciidanka ah uu ka dhisnaado xaga aqoonta iyo la dhaqanka bulshada intii karaankeena ah waan ku dadaali doonaa Insha Allah” ayuu yiri Taliyihii hore ee ciidanka booliska.

Munaasibada tababbarka lagu soo xerayay kaddib waxaa soo baxday in golaha Wasiirada ay shirkooda maanta  ku ansixiyeen isbadal lagu sameeyey hogaanada Talisyada Ciidamada Xoogga, Booliska, Asluubta iyo Nabadsugida

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Beesha caalamka oo soo dhaweeysay gogosha uu fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda

Warsaxaafadeed ka soo baxay saaxiibada beesha caalamka ayaa lagu...

Aqoonsiga Qaranka oo lagu xirayo adeegga ay hay’adaha dowladdu bixiyaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay ku simaha safiirka Shiinaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood oo faahfaahinta ka bixiyay howlgalkii ka dhacay degmadaas

Guddoomiyaha degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe Macallin Muxudiin...