Taliyihii hore ee ciidanka booliska oo tababbar u soo xiray saraakiil ciidan

Date:

Taliyihii hore  ciidanka booliska Soomaaliyeed  Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa saraakiil tababbar uga socday dugsiga Jeneraal Kaahiye ugu soo xeray, iyadoo dhinaca kalena tababbar u furay ciidamo kale.

Munaasibadan saraakiisha tababbarka loogu soo xeray waxaa goob joog ka ahaa Taliye xigeenada koowaad iyo labaad ee booliska Soomaaliyeed iyo madaxda hogaanada ciidanka booliska.

Ugu horayn waxaa gaada ka cayaar goobta ku soo bandhigay ciidamada tababbarka u xirmay.

Taliyaha dugsiga tababbarka Jeneraal Kaahiye Gaashaanle sare Cabdikariin Macalin Xuseen ayaa ka warbixiyay dugsiga iyo saraakiisha tababbarka dhamaystay.

“Saraakiishan tababbarka dhamaystay waxay ahaayeen dad aad u fir fircoon, waxaana ka dalbanayaa kuwa haatan tababbarka galaya in ay ku daydaan ciidanka tababbarka dhamaystay oo ay ilaaliyaan waqtiga iyo nidaamka ciidanka u degsan.

Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Muqtaar Xuseen Afrax ayaa u mahadceliyay taliyihii hore ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxa uuna sheegay in howlo badan oo lagu horumarinayo ciidanka uu qabtay,wuxuuna dhinaca kale la dar daarmay ciidanka tababbarka dhamaystay iyo  kuwa haatan uu u bilowday ,

“Xaamuud wax badan ayuu ka qabtay booliska , akadeemiyada Kaahiye sida ay horay ahayd waan la soconaa iyo haatan waxa ay tahay dhamaan ciidanka booliska ayaa Soomaaliyeed meel walba ha joogaan halkan ayaa lagu tababaraa” ayuu yiri Jeneraal Muqtaar.

Taliyihii hore ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud oo gaba gabdii munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka booliska loo baahan yahay in laga dareemo isbadal xagga aqoonta iyo la shaqaynta shacabka.

“Waxaa loo baahan yahay in qofka ciidanka ah uu ka dhisnaado xaga aqoonta iyo la dhaqanka bulshada intii karaankeena ah waan ku dadaali doonaa Insha Allah” ayuu yiri Taliyihii hore ee ciidanka booliska.

Munaasibada tababbarka lagu soo xerayay kaddib waxaa soo baxday in golaha Wasiirada ay shirkooda maanta  ku ansixiyeen isbadal lagu sameeyey hogaanada Talisyada Ciidamada Xoogga, Booliska, Asluubta iyo Nabadsugida

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...