Dowladda Mareykanka oo xalay gantaalo ku garaacay Siiriya

Date:

Dowladda Mareykanku ayaa xalay gantaalo ku garaacday saldhigyo ay leeyihiin ciidamada cirka ee dalka Suuriya.

Weerarkan ayuu Mareykanku sheegay in uu jawaab u ahaa,   weerar loo adeegsaday Kiimiko oo lagu qaaday dad rayid ah maalmo ka hor,  kaas oo lagu eedeyay xukuumadda Bashar al-Assad. waxaana la sheegay in weerarkaasi ay  ku dhinteen in ka badan boqol qofood oo rayid ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in  56 gantaal oo nooca Tomahawk ah lagu garaacay saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Suuriya waxaana laga soo riday maraakiib kuwa bur burburiyayaasha ah oo ay cidiamada Mareykanku leeyihiin kuwaas oo ku sugan badda Mediterranean-ka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in weerarkaasi ay ciidamadiisa ku bartilmaameedsadeen saldhigyadii laga soo qaaday weerarkii Kiimikada ahaa ee ka dhacay Siiriya.

Mareykanka ayaa sheegay in uu ka jawaabidoono haddii ay dhacaan  weeraro kale oo noocan ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen....

DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka...