Maalinta Ciyaartooyda Soomaaliyeed oo Muqdisho laga xusayo

Date:

Waxa ay ku began tahay labbo munaasabaddood oo aad u waa weyn, waa maalinta cayaaraha iyo nabadda adduunka, waxa kale oo maanta ay ku asteeysan tahay maalinta ciyaartooyda Soomaaliyeed, waxanna loo aqoonsan yahay 6-da bisha April.

Gellinka dambe ee maanta ayaa lagu waddaa inay muunaasabaddahan ay ka dhacaan garoonka Banaadir ee ku yaallo degmada Cabdicasiis, waxaa soo abaabulay guddiga Olympic-da Soomaaliyeed, waxanna kasoo qeyb gelli doonno wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha ee Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye, madaxda Gos iyo kuwa xiriiradda.

Waxaa garoonka imaan doonno 2,000 (Labo kun oo ciyaartooy), kuwaas oo ciyaara cayaaraha noocayadoodda kala duwan, iyagoo socod ku mari doonno wareegga garoonka.

“Waa maalin aad noogu weyn maanta, waa labbo munaasabaddood oo aad u weyn, haddaa nahay guddiga Olympic-da Soomaaliyeed waxaa farxad inoo ah inaan diyaarinay dabaal-degga qaab wanaagsan, waxaa garronka keeni doonnaa labo kun oo ciyaartooy Soomaaliyeed ah, maanta oo kale ayaan qabbanaa munaasabaddan.” Kaaliyaha xoghayaha guddiga Olympic-da Soomaaliyeed Maxamed Xuurshe Xasan Eennoow, ayaa warkan u sheegay wakaaladda wararka qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Dhacdadan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa iyadoo uu meel wanaagsan marayo Isboortiga Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...