Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya oo deegano kala Wareegay Al-shabaab

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay kala wareegeen Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ilaa Afar Tuulo oo hoos tagto Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Korneyl Daahir Maxamed Faarax (Kumaandoos) oo u waramayey Radio Muqdisho ayaa sheegay in tuulooyinka ay gacanta ku dhigeen ay ka mid yihiin Kibile , waagaale iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ayaa xusay in ay weli ku daba jiraan Maleeshiyaadkii ay ka ceyriyeen deegaanadaasi asaga oo  xusay in ay jiraan dagaalo yar yar oo kaga imaanayo dhanka Maleeshiyaadka Al-shabaab balse waxa uu sheegay in dhamaan xoog ku jiiri Doonaan.

Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa u muuqdo in ay durbaba bilaabeen ka jawaab celinta Dalabkii Wasiirka gaashaandhiga ee ahaa in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya looga Fadhiyo in ay Furaan dhamaan Wadooyinka ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab si dadka abaaraha Saameeyeen Gargaar loo gaarsiiyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...