Ururka Shaqaalaha Caafimaadka oo deeq gaarsiiyey barakacayaasha ku sugan duleedka Magaalada Muqdisho

Date:

Deeqdaan ayaa waxaa ugu deeqay  Barakacayaasha ku nool dhismihii hore ee Baar Xaraf ee KM13 Ururka Shaqaalaha Caafimaadka waxaana ay ka koobneyd Mesego,Sisin,Qamadi iyo lowska iyagoo ugu talagalay Caruurta Barakacayaasha.

Ku-xigeenada Gudoomiyaha Ururka Shaqaalaha Caafimaadka Samsan Maxamed Aadan iyo C/kariin Xuseen Cali oo si wadajir ah uga hadlay goobta ayaa sheegay in tani ay tahay mid yar oo faa,iido badan.

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir C/llaahi Xuseen Maxamed Nuune oo ka mid ah Gudiga Gurmadka Abaaraha ee Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qorshaha Barakacayaasha ee Gobolka Banaadir.

Gudoomiyaha Xiriirka Guud Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Xaaji ayaa baaq gaar ah u diray Uruada ku mideysan Xirirkan in ay qayb ka qaataan Gurmadka.

Gudoomiyaha Deegaanka  Garas baaley C/raxmaan Axmed Cali Garyare ayaa ugu horeyn u mahadceliyey Uuruka Shaqaalaha Caafimadka waxaana uu dhamaan Dadka wax haystaa ugu baaqay in ay u soo gurmadaan Dadka ay Abaaraha ay wax yeeleysey.

Deeqdan la gaarsiiyey Barakacayaasha ku nool Bar Xaraf ayaa noqoney mid mudan  ku dayasho waayo waa raashin ka baxa gudaha Dalka

.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...