Wasiirka Gaashaandhiga oo Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliya ugu baaqay in furaan wadooyinka Shabaab u Xiran

Date:

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga  Soomaaliya ayaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoog ku furaan Wadooyinka u xiran kooxda Al-shabaab si gar gaar loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysay goobaha ay abaaraha Ka jiraan.

Wasiirka ayaa Ciidamadda Xoogga Dalka ugu baaqay in ay dhiigooda u huraan sidii loo badbaadin lahaa dadka Dhibaateysan ee ku sugan Goboladda Dalka asagoo xusay in waqtiga dhibaatada jirto uu yahay waqtiga ugu mudan ee dhiiga loo huro dalkaaga iyo dadkaaga si aad u baadbaadiso.

Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay Dhamaan Taliyaasha ciidamada iyo laamaha amniga uu quseeyo in ay ku dadaal in labadda Sano ee soo socoto la gaaro isku filnaasho dhanka amniga ah , asagoo u mahadceliyey Dowladdaha garab taagan Soomaaliya iyo Ciidanka Nabaddeynta u joogo Soomaaliya ee AMISOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...