U qaabilsanaha dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee Puntland oo ka hadlay ciidamo tababar loo furayo

Date:

Captain C/raxmaan Shiikh Cumar(Jeeni qaar) oo ah u qaabilsanaha dib u dhiska ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxa uu ka warbixiyay safar uu ku yimid Puntland isagoona sheegay in u jeedada safarkiisa ay tahay sidii uu u diiwaan galin lahaa 3,000 oo askari oo loo furi doono dhowaan tababaro.
Taliyaha ayaa waxa uu sheegay intii uu Puntland joogay in uu kulamo laqaatay Madaxweynaha Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Guddigii waday diiwaan galinta ciidamada tababarka loo furi doono.
Captain Jeeni Qaar ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in ciidamadaas tababarka loo furi doono laga wada diiwaan galin doono guud ahaan maamulada dalka ka jira waxa uuna intaas kudaray in ciidamada marka la tababaro ay kamid noqon doonaan ciidamada xooga dalka Soomaaliya laguna dabooli doono baahiyo kasta oo dhanka ammaanka ah ee uu dalka qabo.
Dhanka kale waxa uu sheegay in ciidamada tababarka looga furi doono gudaha dalka gaar ahaan xarunta tababarka ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo dhowaan dowlada Turkiga ay ka hirgalisay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay dagaaladii soo noq noqday ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxa uuna sheegay in aysan dagaalo ka dheceen Gaalkacyo hadii ay joogi lahaayeen ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo isku dhaf ah waxa uuna sheegay in colaada Gaalkacyo ay abaabulayaan dad aan ka fakarayn mustaqbalka degmada.
Ugu danbeyn Mar wax lagaweydiiyay in tababarada ciidamada ay fursad ooga banaan tahay dhalinyarada ayaa waxa uu Taliyaha sheegay in dhalinta ay haystaan fursad weyn oo ay kaga faa’ideysan karaan tababaradaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...