Shirkii Garsoorka Afrika ee ka socday Suudaan oo maanta lasoo gebagabeynayo

Date:

Shirkii uu ka qeeb galayay Wafdi uu horkacayay Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Dowladda Soomaaliya ayaa Maalintii Seddexaad galay iyadoo Arrimo badan oo quseeya Garsoorka Wadamadda Afrika looga hadlay.

Shirkan  oo maalintiisii ugu danbeeyey galay ayaa waxaa looga hadlay madax banaanidda garsoorka Wadamadda Africa marka laga fiiriyo dhanka dhaqaalaha, iyo dhanka maamulka waxaa ka qeeb qaatay shirka Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Soomaaliya Mudane Ibraahim iidle Sulaymaan iyo Gudoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheikh Ibraahim (Dhiblaawe)  iyo xubno kale.
Waxaane goobjoog ka ahaa Shirka danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Danjire Maxamed C/llaahi Ogaas.
Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa u cadeeyay wufuudii ka qeeb galeesay Shirka in ay isdhaafsadeen sidii loo hilahaa Garsoor Madax banana marka laga eegayo dhanka Maamulka Maaliyadda iyo dhanka Fulinta Xukunadda ka soo baxa garsoorka.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay in sidoo kale shirka looga hadlay sidii loo hormarin lahaa garsoorka dhan walba sida dhisida hey’adaha garsoorka iyo  tababaro kor loogu qaadayo xirfadda Garsoorayaasha Africa si ay ula jaanqaadaan Wadamadda hormay.

Shirkaan ayaa lagu wadaa in Maanta la soo gabagabeeyo iyadoone lagu balansanyahay in looga hadlo Arrimaha Tahriibka iyo dhibaatada uu ku haayo Wadamada Africa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS oo UK lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda...