Agaasimaha guud ee hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/Sare Maxamed Aadam Jimcaale Koofi ayaa maanta magaalada Kismaayo kula wareegay gawaari ย loogu talagalay in lagu ilaaliyo xaduudaha dalka.
Gaadiidkan ayaa waxaa laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ku wareejiyay masโuuliyiin ka tirsan heyโadda socdaalka aduunka ee IOM, iyadoo goob joog ay ka ahaayeen masโuuliyiin uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno ka tirsan heyโadda IOM.
Gaadiidka oo ah kuwo casri ah ayaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo xuduudaha dalka ayagoo wax badan u fududeyn doono gaadiidkan heyโadda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Soomaaliya si ay u gutaan waajibaankooda.
