Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Date:

April. 2, 2017—-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Eng. Mahdi Axmed Guuleed oo weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad Cumar iyo Mas’uuliyiin kale ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda an walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Veysi Kaynak.

Labada Ra’iisul Wasaare ku xigeen ayaa wadajir u booqday xarunta Bisha Cas ee Turkigu ku leedahay Muqdisho, halkaas oo Maamulka Gobolka Banaadir uu ku wareejiyey Gaadiid iyo agab kale oo loogu talagalay in kor loogu qaado Bilicda Caasimadda Muqdisho.

Mudane Veysi Keynak ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxana ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha ka jira dalka iyo sidii ay gacan mugleh uga geysan lahaayeen.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya oo soo dhaweysay diblomaasiyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Safaaradda JFS ee Dalka Hindiya ayaa Madaarka Caalima ah...

Duqa Muqdisho oo Magacaabay Agaaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Mas’uuliyiin ka socda xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo la kulmay wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xafiiska Hantidhowrka Guud ee...

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo guddoomiyay shir muhiim ah

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud...