Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho yimid(Sawirro)

Date:

Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku soo dhoweyeen masuuliyiin uu horkacayey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya.

Turkiga Vyesi Kaynak Ra’iisul wasaare ku xigeeka dalka, Turkiga garoonka Muqdisho waxaa ku soo dhoweeye, mudane Mahdi Axmed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibedda Yuusuf Gaaraad Cumar iyo diblomaasiyiin isugu jirta Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga Vyesi Kaynak Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ayaa u kuurgeli doona xaaladaha abaaraha iyo sidii dowladda Turkiga ay sii xoojin lahayd dedaalkeeda ku aaddan gurmadka abaaraha Soomaaliya ka taagan.

waxaa la filayaa in masuuliyiinta sare ee dalka uu la kulmo wefdigaasi ballaaran ee Turkiga ka socda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta Israa’11l oo ka dhacay Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta martigelisay...

Madaxweynaha JFS oo shaaciyay in guul laga gaaray sahminta kheyraadka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israel oo ka dhacay degmada Buuloburde.

Boqolaal qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan...

Bannaanbaxyo looga soo horjeedo faragelinta Israa’11l oo lagu qabtay magaalada Jowhar.

Boqolaal shacab ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka...