Raโ€™iisal Wasaare Kheyre oo ka tacsiyadeeyey Geeridii Wasiir Nuur Faarax oo xalay ku geeriyooday Muqdisho

Date:

Innaa Lillaahi wa innaa illeyhi raajicuun

Muqdisho, Apriil 2.2017โ€”โ€”-Raโ€™iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Golaha Xukuumada ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Nuur Faarax Xersi oo ahaa Wasiirkii Dekedaha iyo Gadiidka Badda ee xukuumadii hore.

Raโ€™iisal Wasaaraha ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo ummada Soomaaliyeed, ee uu ka baxay, isaga oo xalay ku geeriyooday isbitaal ku yaala Muqdisho oo uu labadii todobaad ee ugu dambeysay ku xanuunsayay.

โ€œAadbaan uga naxay geerida Nuur Faarax Xirsi, waxaana alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno siiyo, Samir iyo iimaana ka siiyo qoyskii uu ka baxayโ€ ayuu yiri Raโ€™iisal Wasaaraha.

Raโ€™iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay inuu ahaa Nuur Faarax shaqsi howlkar ah oo daacad ah, isla markaana qeyb weyn ka qaatay sidii dalka horumar loo gaarsiin lahaa.

โ€”-DHAMMAADโ€”-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hayโ€™adda NISA oo howlgal qorsheysan ku dishay xubno ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Duqa Muqdisho oo Degamda Kaaraan maanta ka qaatay kaarka diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen...