Dab Xoogan oo ka kacay dukaamo ku yaala suuqa Bacaad

Date:

Gelinkii dambe ee maanta ayaa damb xoogan waxaa uu qabsaday qeybo kamid ah suuq Bacaad oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir isla markaana ah suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho.

Dabka ayaa la sheegay in uu wax yeelo u geystay ilaa Lix dukaan oo ku yiiley suuqaas, iyadoo sababta dabka dhalisayna maamulka degmada ay ku sheegeen cilad koronto.

Ilaa iyo hadda laga soo sheegin wax khasaare nafeed oo dabkaas uu geystay marka laga soo tago hantida uu baabi’iyay dabkaas.

Gaadiidka dab-damiska ee dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa gaaray suuqa dabka uu ka kacay ayagoo ugu dambeyna ku guuleystay in ay bakhtiyaan  dabka.

Sidan oo kale, waxaa horey dab xoogan u qabsaday qeybo kamid ah suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho kaas oo hanti badan oo dad Soomaaliyeed ay halkaas ku lahaayeen digaan digaha ka dhigay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing.

1- After more than half a century, the Somali...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday.

1- Muddo ka badan nus qarni kadib , shacabka...

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika oo hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Mudane Maxamuud Cali Yuusuf,...

Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Mudane Maxamed bin Axmed Al-Yamaaxi, ayaa...