Dowladda Burundi oo sheegtay in ay ciidankeedu ka sii mid ahaan doonaan howlgalka AMISOM

0

Dowladda Burundi ayaa sheegtay in ay dib uga laabatay  go’aan keedii ahaa in ciidamadeeda jooga Soomaaliya kala bixi doonto kaddib markii la xaliyay Cabashooyin ay   ka tabanayeen Ururka Midowga Afrika, isla markaana ay ciidamadeedu baaqi kusii ahaan doonaan Soomaaliya.

Arrintaan ayaa timid kaddib markii wada hadallo ay dhexmareen  Madaxweyne kuxi-geenka koowaad ee Dalkaas iyo Guddoomiyaha Amniga iyo Nabad Gelyada Midowga Afrika Ismaaciil Sharqi,iyadoo laysla gartay in la joogteeyo Mushaaraadka Ciidamada Burundi ee ka midka ah Howlgalka AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Burundi  ayaa horay ugu hanjabay  Ururka Midowga Afrika in uu Dacweyn doono haddii ay bixin waayaan mushaaraadka Ciidankooda jooga Soomaaliya.