Soomaalidii hore ee ku nooleed qurbaha waxay diirada saari jireen dhanka Ganacsiga, balse haatan waa lays kala soo tagay oo Soomaalida maanta waxay u xuub siibteen dhanka maamulka iyo siyaasada dalalka ay Qurbaha kaga nool yihiin, waxaana soo badanaya jiilka cusub oo dhallanyarada Soomaaliyeed ah ee u tartamaysa xafiisyada kala duwan dalalka ay ku nool yihiin.
Sanadii hore 2025-kii , waxaa qabsaday saxaafada Reer galbeedka gaar ahaan dalka Mareykanka, Nin dhallinyaro ah oo lau magacaabo Fatxi Abdi oo u tartamayay Duqa magaalada Minneapolis, gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.
Sanad ka dib, sanadkan 2026-ka, mar kale waxaa Warbaahinta Qabsataday dhallanyaro kale oo Soomaaliyeed, kuwaa oo u tartamaya xafiisyada maamulka dhowr dal oo Yurub ah, iyadoo dhawaan ay dalka Sweden bandhig cajiib ah ka sameeyeen, xeendaabka siyaasada dalkaasi dhallinyaro ka soo jeedo Soomaaliya ay ku guuleystay kuraasahooda. 5 xubin bay ku guuleysteen oo xafiisyo kala duwan ah. Runtii wax sahlan ma ahan.
Dalka Ingiriiska waxaa si wayn loo hadal hayaa gabar lagu magacaabo Sagal Abdiweli, taasoo u tartamaysa Aqalka Westminster ee ah, halka laga xukumo dalka Ingiriiska. Runtii wax sahlan ma ahan.
Ilhan Cumar, ayaa ah tusaale weyn marka laga hadlayo Soomaalida qurbaha iyo muuqashadooda xafiisyada siyaasada. Ilhan Omar , waa xubin ka tirsan golaha Congress ka dalka Mareekanka. Haatan dalalka kale ee Qaarada Africa ah ayaa bilaabaya wax u eg maseer oo u maseerayaan dhallintooda qurbaha ku kortay oo la jecel sida dhallinta dhigooda ah ee Soomaalida oo kale.
“Afrika haddaan nahay waa in wax ka barannaa Soomaalida”, ayuu taagan yahay Nin ka soo jeediya Dalalka Afrika, taasna waxaa u sabab ah ayuu leeyahay ‘isku duubnida Dadka Soomaalida’.
Dadyoowga ka soo jeeda qaarada Asia gaar ahaan dalalka Pakistan iyo India ayay la tartamayaan dhallinyaradeena Soomaaliyeed markay timaado dhanka fursadaha, ha noqoto dhan Ganacsi ama siyaasad dalalka reer galbeedka.
5-tata Xildhibaan Soomaalida ah ayaa ku soo biiray Baaralamaanka dalka Sweden kadib cod tirintii doorashada sanadkaan 2026-ka, waxayna kala yihiin:-
1-Leila Ali Elmi oo horay u aheyd xildhibaaka kaliya ah ee ay Soomaalidu ku laheyd Baarlamaanka.
2- Mursal Isa
3-Ilyas Hassan
4-Mohamed Abdukani
5- Abdukadir M. Ali
Waxaa jira Soomaali kale oo ka mid noqotay golaha deegaanada gobolo ka tirsan dalka Sweden sida caasimada Stockholm.
