Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Date:

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehellada, bahda aqoonta iyo dhammaan Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), geerida ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga, oo ku geeriyooday dalka Hindiya.

Marxuumka waxaa si gaar ah u loogu xusuusan doonaa kaalintii aqooneed iyo midda taariikhiga ahayd ee uu ka qaatay horumarinta Afka Soomaaliga, kobcinta aqoonta iyo dhismaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.

Wasaaradda Waxbarashada waxay Alle uga baryaysaa Marxuumka inuu naxariistiisa iyo Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, bahda Akademiyada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...