Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay Shirka Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaasi oo uu kusoo bandhigay caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dunida wajahayso iyo muhiimadda xoojinta iskaashiga caalamiga ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in caqabadaha maanta jira, oo ay ka mid yihiin colaadaha, argagixisada, xiisadaha juqraafi siyaasadeed iyo isbeddelka cimiladu, ay u baahan yihiin iskaashi iyo wadajir caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa soo bandhigay horumarka Soomaaliya iyo dadaallada Dowladda Federaalka ee ku aaddan xasilloonida, dib u dhiska iyo horumarinta dalka, isaga oo uga mahadceliyay bahwadaagta caalamiga ah taageeradooda joogtada ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay ka go’naanshaha Soomaaliya ee mabaadii’da Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn, gaar ahaan dhowrista madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, caddaaladda, sinnaanta iyo xallinta khilaafaadka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...