𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar, ahna Wasiirka Difaaca, Mudane Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani.

Kulanka, oo qayb ka ahaa kulamadii rasmiga ahaa ee uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayay madaxda ugu sarreysa dalka Qatar, ayaa looga wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, difaaca iyo xasilloonida gobolka iyo dunida, gaar ahaan sidii si wadajir ah looga hortagi lahaa khataraha ka dhasha argagixisada xuduudaha ka tallaabta, kuwaas oo halis weyn ku haya Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Mudane Sheekh Sucuud uga warbixiyay guulaha laga soo hoyiyay xasillinta amniga magaalooyinka waaweyn iyo hawlgallada lagu qaaday kooxaha Khawaarijta.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar, Mudane Sheekh Sucuud Bin Cabdiraxmaan Bin Xasan Al Taani oo ugu yimid hoyga uu Dooxa ka degenyahay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya , ayaa sheegay in Dowladda Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya, ayna diyaar u tahay in la sii ballaariyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Qatar uga mahadceliyay qaabilaadda diirran ee isaga iyo wafdigiisa, iyo heerka sare ee uu gaaray xiriirka labada dal. Waxa uu si gaar ah uga mahadceliyay sida ay Dowladda Qatar u garab istaagtay qaranimada Soomaaliya xilliyadii dalka lagu soo xadgudbay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...