Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Dalka Aljeeriya

Date:

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay Safiirka cusub ee dalka Aljeeriya u qaabilsan Soomaaliya mudane Maxamed Caalim.

Kulanka oo ay Wasiirku ku wehliyeen Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta mudane Cabdulxakiim Xasan Ashkir iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya iyo dabagalka dhinacyada iskaashiga ee lagu heshiiyey bishii May ee sanadkan intii uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cali Xoosh booqashada ku joogay Aljeeriya sida howlaha; dib-u-heshiisiinta, xasilinta, amniga, dowladaha hoose, dhismaha iyo tayeynta hay’adaha, adkeysiga, diiwaangelinta madaniga ah iyo aqoonsiga qaranka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa iskaashi hay’adeed ee wax-ku-ool ah iyo is-weydaarsiga farsamo ee u dhexeeya hay’adaha ay khusayso ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...