Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Maareeye Ku-xigeenka NIRA Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Ka-qaybgalayaasha ayaa falanqeeyay caqabadaha la xiriira wacyigelinta iyo helitaanka adeegyada NIRA, iyagoo soo jeediyay talooyin lagu horumarinayo gaarsiinta adeegyada iyo xogta Aqoonsiga Qaranka.

NIRA ayaa kulanka ku soo bandhigtay horumarka laga sameeyay adeegyada Aqoonsiga Qaranka, iyadoo in ka badan 1.5 milyan oo Soomaali ah lagu diiwaangeliyay gudaha iyo dibadda dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...