Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Date:

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas’uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan fursadaha ka jira qaybaha sida kaabayaasha, Ganacsiga, Beeraha, tamarta iyo Tiknoolajiyada.

Masuuliyiinta Soomaalida ayaa muujiyay fursadaha sii kordhaya ee maalgashi ee dalka waxayna ku baaqeen iskaashi xooggan oo lala yeesho shirkadaha Shiinaha, si loo taageero horumarinta dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka, iyo koritaanka qaybta gaarka ah.

Wakiillada Shiinaha ayaa mar kale xaqiijiyay xiisahooda ku aaddan ballaarinta xiriirka Ganacsi ee Soomaaliya, waxayna hoosta ka xariiqeen in ganacsiyada labada dal ay u raadiyaan fursado cusub oo iskaashi.

Shirka ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya ay doonayso inay soo jiidato maalgashi shisheeye oo badan oo ah u fursado dhaqaalaha, kadib sanado ay jireen xasilooni-darro siyaasadeed iyo caqabado dhaqaale.

Masuuliyiintu waxay sheegeen in xiriirka ganacsi ee xooggan ee Shiinaha uu ka caawin karo in la kordhiyo maalgelinta, islamarkaana la balaariyo ganacsiga, isla markaana la taageero himilooyinka horumarineed ee muddada-dheer ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa shalay si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho Madasha Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha (Somalia–China Business Networking Forum) shirkaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, ayaa ku dhiirrageliyey shirkadaha iyo maalgashadeyaasha Shiinaha in ay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha, wax-soosaarka, Kalluumaysiga, Beeraha, Tamarta, Gaadiidka iyo Saadka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga ganacsi uu horseedo shaqo-abuur iyo kor u qaadista waxsoosaarka gudaha.

“Waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta magaalada Muqdisho kaga qayb galo Madasha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, oo kulmisay madaxda Dowladda, ganacsatada Soomaaliyeed iyo in ka badan 30 shirkadood iyo ganacsato Shiineys ah oo booqasho ku yimid Soomaaliya. Tani waa wafdigii ganacsi ee Shiinaha ee ugu horreeyay ee si abaabulan dalkeenna u yimaada, waana tallaabo muhiim ah oo ka dhalatay dadaal muddo socday oo lagu doonayay in saaxiibtinimada soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha loo sii yeelo saldhig dhaqaale oo xooggan—ganacsi, maalgashi iyo iskaashi toos ah oo labada shacabba anfaca”, sidaasi waxaa tiri Hodan Ismaan Cabdi Safiirka Soomaaliya u fadhisa Shiinaha.

Madasha, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, waxaa si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka JFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac. Waxaa sidoo kale khudbado ka jeediyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Danjire Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Cabdullaahi Bidhaan Warsame, iyo madaxda Rugaha Ganacsiga labada dhinac.

Safiiradda ayaa hadal jeedinteeda ku adkeeyay arrin aan si weyn u aaminsaneyd “sawirka Soomaaliya hadal keliya laguma beddeli karo; waxaa beddela xaqiiqo la arko iyo waayo-aragnimo la soo maro. Waxaan rabnaa in saaxiibbadeenna Shiinuhu yimaadaan Soomaaliya, indhahooda ku arkaan horumarka dalka, la kulmaan ganacsatadeenna, ogaadaan fursadaha jira, isla markaana ay dareemaan soo dhoweynta iyo martisoorka ay Soomaalidu ku suntan tahay”.

Safiirad Hodan Cismaan ayaa ku baaqday in xiriirkeenna dhaqaale uu noqdo mid labada dhinacba wax u kordhiya: in Soomaaliya ay ka faa’iidaysato maalgashiga, tiknoolajiyadda iyo waayo-aragnimada Shiinaha, isla markaana wax-soo-saarka Soomaaliyeed loo furo suuqa ballaaran ee Shiinaha. Shiinaha yaan loo arkin oo keliya meel aynu wax ka soo iibsanno; waa suuq weyn oo kalluunkeenna, wax-soo-saarka beeraha iyo badeecadaha kale ee Soomaaliyeed ay gaari karaan.

“Waxaana farxad gaar ah ii ahayd in madashu aysan hadal ku ekaan. Waxaa lagu soo bandhigay Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), mashruuca Muqdisho Cusub iyo fursadaha maalgashi ee dalka; shirkadaha Soomaaliyeedna waxay soo bandhigeen wax-soo-saarkooda dhoofinta. Ganacsatada labada dal iyo hay’adaha Dowladda ayaa sidoo kale yeeshay kulammo toos ah oo B2B iyo B2G ah”, ayay tiri Amb. Hodan. “Hadafkeennu waa in isbarashadu dhaliso kalsooni, kalsooniduna horseeddo ganacsi iyo maalgashi miro-dhal ah. Soomaaliya wax badan ayay leedahay, wax badanna way dunida la wadaagi kartaa”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Muqdisho mar dambe ma mudna sumcad dilka dambe (WARBIXIN)

Wargeyska caanka ah ee The Economist ee ka soo...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...