Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Date:

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya awoodihiisa Dastuuriga ah, kuna dhaqmaya sharciga doorashooyinka Qaranka, sharciga dhisidda Guddiga iyo sharciga Ururada iyo Xisbiyada, habraacyada, xeernidaamiyayaasha iyo tilmaamaha sharciga waxa uu u taagan yahay mabaadiidda hirgalinta doorashooyinka Xor iyo xalaal ah, hufan oo ay muwaadiniinta si siman uga qaybgalaan.

Kadib markii uu helay Guddigu Nuqul go’aanka Maxkamadda sare , taasoo ku saabsaneyd natiijada doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee maamul-goboledka Galmud ee qabsoomay 30-kii Luuliyo 2026-ka.

Guddigu waxa uu soo saaray qodobadaan:-

1. Guddigu isagoo tixgalinaya kaalinta Dastuuriga ah ee Maxkamadda sare, sarreynta sharciga iyo in khilaafaadka doorashooyinka lagu xaliyo hannaan Garsoor oo sharci ah, si waafaqsan Qodobka 73-aad ee xeerka doorashooyinka Qaranka oo tilmaamaya awoodda Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka soo baxay ee ku saabsanaa doorashadii isku sidkaneyd ee ka dhacay Dowlad-Goboleedka Galmud.

2. Ugu dambeyn Guddigu waxa uu soo muddeyn doonaa xilliga la qabanayo doorashooyinka ku celiska ah ee Dowlad-goboleedka Galmud.

Screenshot

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...