Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

Date:

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijtu kusoo qaadeen magaalada Baydhabo, oo ah Caasimadda KG ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa muddooyinkii dambe waday isku day ay ku doonayaan inay qalqal geliyaan amniga iyo xasiloonida magaalada Baydhabo, xilli magaalada iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed ay ka sameeyeen horumarro muuqda oo dhinaca amniga ah.

Ciidanka XDS oo si buuxda uga feejigan dhagaraha iyo isku dayada cadowga ayaa si adag uga hortagay weerarka, waxaana Khawaarijta la gaarsiiyay jab xooggan oo isu jira khasaaro naf iyo maal ah. Maleeshiyadkii weerarka soo qaaday ayaa laga qasbay inay goobihii lagu dagaalamay kaga tagaan meydad, hub iyo gaadiid.

Taliska Ciidanka XDS ayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka la fashiliyay iyo khasaaraha Khawaarijta soo bandhigi doono saacadaha soo socda.

Taliska Ciidanka XDS wuxuu shacabka Baydhabo iyo guud ahaan bulshadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay muujiyaan feejignaan iyo wada-shaqeyn, isla markaana ay garab istaagaan ciidamada Qaranka ee u taagan difaaca shacabka iyo sugidda amniga dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...