Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Waraaqaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Dalka Aljeeriya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa ka guddoomay nuqul kamid ah waraaqaha aqoonsiga (Letters of Credence), Danjiraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Danjiraha Aan Caadi Ahayn iyo Wakiil Awood Buuxda Leh.

Intii uu kulanku socday, Wasiir Cabdisalaam wuxuu si diirran u soo dhaweeyay Danjire Maxamed Alim, isagoo oo sheegay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo iskaashiga dhaqanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...