Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Cilmi-kororsiga iyo Naqshad-hawleedka Guddiga Qaranka ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC).
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in fududeynta ganacsigu ay tahay tiir muhiim u ah hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), isla markaana ay door weyn ka qaadaneyso kobcinta dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo sare u qaadidda tartanka ganacsiga dalka.
Isagoo soo dhoweynaya wufuudda ka socotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo ka-qaybgalayaasha kale, ayuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay iswaafajinta xeerarka iyo habraacyada ganacsiga, xoojinta heerarka iyo kaabayaasha hubinta tayada, iyo ka saarista caqabadaha dib u dhiga ganacsiga isla markaana kordhiya kharashaadka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sidoo kale xusay in ganacsiga u dhexeeya dalalka Afrika uu weli ka hooseeyo heerkii la hiigsanayay, isagoo ku boorriyay Soomaaliya inay mudnaan siiso xoojinta ganacsiga ay la leedahay dalalka deriska ah, isla markaana ay maalgeliso qaybaha ay ku leedahay faa’iidada tartanka, gaar ahaan kalluumeysiga.
Ugu dambayn, wuxuu carrabka ku adkeeyay in kobaca dhaqaale ee waara uu ku xiran yahay xoojinta doorka waaxda gaarka loo leeyahay, iswaafajinta siyaasadaha ganacsiga iyo warshadaha, kordhinta qiime-ku-darka wax-soo-saarka gudaha, iyo dhismaha dhaqaale tartan leh oo ku dhisan wax-soo-saarka dalka.

