Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa hoggaaminaya wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qaybgalaya Kalfadhiga 49-aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, kaas oo halku-dhiggisu yahay“Sugidda Helitaanka Biyaha Joogtada ah.”

Inta uu socdo kalfadhigu, Dowladda Soomaaliya waxay muujin doontaa dadaalladeeda ku aaddan xoojinta amniga biyaha, iyadoo soo bandhigaysa mashaariic muhiim ah sida Mashruuca Barwaaqo ee Biyaha iyo Adkeysiga Reer Miyiga, iyo sidoo kale laba ceel biyood oo cusub oo ku shaqeeya tamarta qorraxda, kuwaas oo ballaarinaya helitaanka biyo nadiif ah oo ay helaan bulshada.

Soomaaliya sidoo kale waxay ka qayb qaadan doontaa doodaha ku saabsan xoojinta Guddiga Midowga Afrika iyo horumarinta mudnaanta iyo himilooyinka wadajirka ah ee qaaradda Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...