Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Date:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa ka qeybgalay kulanka soo bandhigidda iyo aqoon-isweydaarsiga Mashruuca Bulsho ee degmooyinka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed, masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee XFS, guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka, ururrada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la xoojiyo fahamka masuuliyiinta degmooyinka ee ku aaddan Mashruuca Bulsho iyo doorka ay ku leeyihiin hirgelintiisa.

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Cabdulkadir Cali, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in madaxda degmooyinku si qoto dheer u fahmaan ujeeddooyinka, qaab-dhismeedka iyo habraacyada Mashruuca Bulsho.

Waxa uu xusay in degmooyinku yihiin laf-dhabarta isku xirka dowladda iyo bulshada, isla markaana ay door muhiim ah ka qaataan gaarsiinta xogta mashruuca iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka bulshada si loo xaqiijiyo natiijooyin waara oo wax ku ool ah.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa ku boorriyay dhammaan ka qaybgalayaasha inay si dhow uga wada shaqeeyaan hirgelinta mashruuca, isagoo muujiyay rajada laga qabo in Mashruuca Bulsho uu horseedo horumar iyo adeegyo bulsho oo waxtar u leh shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...