Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa xalay fuliyay duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Khawaarijta ka sameysteen deegaanka Suullaay, oo qiyaastii 17 kiiloomitir dhanka koonfureed kaga beegan deegaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan.Howlgalka ayaa lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka 18 kale lagu dhaawacay. Sidoo kale, afar xubnood oo ka tirsanaa firxadkii Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xubnahaasi waa:

• Aadan Maxamed Jimcaale, oo kooxda ay u taqaannay Cabaas.

• Ibraahin Aadan Daahir

• Aadan Abshir Cabdi iyo• Nuurow Caawid Cali, oo kooxda ay u taqaannay Amiir.

Waxaa sidoo kale goobta ka firxaday xubno kale oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo ka cararay hubkoodii kaddib markii ay la kulmeen jab culus.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah gulufka joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saaxiibbada Caalamka ay ku wiiqayaan awoodda Khawaarijta Al-Shabaab, isla markaana lagu baacsanayo laguna ciribtirayo haraadiga kooxda, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa u mahadcelisay Saaxiibbada Caalamka ee Soomaaliya kala shaqeeya la-dagaallanka argagixisada, waxayna mar kale xaqiijisay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada lagu baacsanayo laguna ciribtirayo Khawaarijta, iyagoo fulinaya amarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee lagu dabar-goynayo argagixisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...