Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku aaddan hirgelinta ajendayaasha horumarineed ee Afrika iyo caalamka, iyadoo ka qayb qaadatay doodda heer Wasiir ee Maalinta Afrika, oo lagu qabtay magaalada New York, intii uu socday Shirka Heerka Sare ee Madasha Siyaasadda ee Qaramada Midoobay (High-Level Political Forum – HLPF).

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa madasha ku soo bandhigay aragtida Soomaaliya ee ku wajahan horumar waara, isagoo faahfaahiyey isbeddellada iyo dib-u-habeynta ay dowladdu ku waddo qorsheynta, maamulka dhaqaalaha iyo hirgelinta mudnaanta qaran.

Munaasabadda oo isu keentay madax, wasiirro iyo wakiillo ka socday dowladaha Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa sidoo kale lagu daah-furay Warbixinta Horumarka Waara ee Afrika 2026 (Africa Sustainable Development Report 2026), taas oo qiimeynaysa heerka ay waddamada Afrika ka marayaan hirgelinta Ajendaha 2030 ee Qaramada Midoobay iyo Ajendaha Midowga Afrika ee 2063

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...