Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabadda calan-saarka 1-da Luuliyo

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo oo ku asteysan xorriyaddii Gobolada Koonfureed ee dalka iyo midowgii gobolada Waqooyi iyo Koonfur.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabaddan qiimaha weyn u leh qarannimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xusay in 1-da Luulyo ay tahay maalin ka tarjumeysa halgankii dheeraa ee ay halyeeyadii Soomaaliyeed u soo galeen xorriyadda iyo dowladnimada.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran ayaa si sharaf iyo maamuus leh u saaray Calanka Jamhuuriyadda, markii ay goor sheegtadu ku beegneyd 12:00 habeenimo, waqtigaasi oo ku beegan 66 sano ka hor isla xilligii Calankeenna la saaray caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo tilmaamay in jiilasha maanta ay mas’uul ka yihiin sii ambaqaadidda himiladii aasaasayaashii qaranka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...