MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ADDIS-ABABA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA MADAXDA AFRIKA

Date:

Addis ababa, Febaraayo,13, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa kala qeyb galaya Hoggaamiyeyaasha Afrika Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, isagoo xoojinaya dadaallada diblumaasiyadeed ee ku aaddan difaaca midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doonaa madaxda gobolka iyo kuwa Afrika ee Shirka ka qeyb-galaya, isagoo ku bogaadinaya, kuna adkaynaya mowqifka taariikhiga ah ee ay ka istaageen xadgudubka sharci darrada ah ee Israa’iil ay kula kacday midnimada Soomaaliya, ugana mahadcelinaya taageerida xubinnimada dalkeenna ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...