Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska 

Date:

Muqdisho, Febaraayo 12, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman.

Madaxweynaha ayaa wafdiga la wadaagay guulaha muuqda ee Soomaaliya ay ka xaqiijisay dowlad-dhiska, ammaanka iyo geeddi-socodka dimuquraadiyadda, isagoo adkeeyey xiriirka istiraatiijiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta iyo kobcinta maalgashiga.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo nabadgelyada, la dagaallanka argagixisada iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh shacabka Soomaaliyeed.

Dhankeeda, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska Marwo Jenny Chapman ayaa adkeeysay sida Dowladda Ingiriisku ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhow ee kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo la kulmay Saraakiishii isku furay Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...