Wasiir Fiqi oo sheegay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsan codsiyo u soo dirsadeen dowladda

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula soo xiriirayaan dowladda, iyagoo muujinaya rabitaankooda ah in ay isa soo dhiibaan, isla markaana codsanaya in cafis loo fidiyo.

โ€œKhawaarij waaweyn ayaa nalasoo xiriiraya, iyagoo raba in ay isa soo dhiibaan oo cafis loo fidiyo, kadib markii ay waayeen meel ay ku nabad galaanโ€ayuu.yiri wasiir Fiqi

Wasiirku wuxuu xusay in arrintan ay timid kadib markii kooxahaasi ay waayeen meel ay ku nabad galaan, isla markaana cadaadis xooggan kala kulmeen howlgallada joogtada ah ee ay wadaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga

Waxa uu intaa ku daray in dowladda ay mar walba diyaar u tahay in ay soo dhaweyso cid kasta oo ka tanaasusho fikirka xagjirka ah, kana faaโ€™iideysato barnaamijyada dib-u-dhaqan-celinta iyo cafiska si ay dib ugu biiraan bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...