Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

Date:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanada Murcudka, Wadaariq,Faarax Aadan,Bacadka iyo deegaano kale oo hoos taga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Deegaannadan ayaa Khawaarijtu u adeegsan jireen meel ay ku aasaan miinooyin, isla markaana shacabka ku khasbaan inay bixiyaan lacago baad ah.

Howlgalkan ayaa dhacay kadib markii ciidanku heleen xog sugan oo ku saabsan dhibaatooyinka khawaarijtu ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadan,Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay in ay ku burburiyaan fariisimihii Khawaarijta, waxayna cadowga gaarsiiyeen jab culus.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...