Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Date:

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa Maxkamadda Xisaabta ee Jamhuuriyadda Turkiga (TCA), ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan arrimaha kala ah:

  1. Is-dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xiriirta manhajka iyo habraacyada fulinta hantidhowris madaxbannaan, iyo korjoogteynta hannaanka maareynta maaliyadda guud ee qaranka, iyadoo hayโ€™ad walba ay raacayso sharciyada iyo xeerarka u degsan dalkeeda.
  2. Wadaagga waayo-aragnimada la xiriirta baarisyada waxqabadka, u hoggaansanaanta sharciga, nidaamyada macluumaadka tiknoolajiyadda, heshiisyada dheef-wadaagga iyo falanqeynta xogaha.
  3. Wada-fulinta cilmi-baarisyo ku saabsan horumarinta xirfadaha hantidhowrka iyo tayeynta hantidhowrayaasha.
  4. Suuragelinta waxbarashada heerarka Masterโ€™s iyo PhD ee la xiriira sharciyada, dembiyada maaliyadeed, caddaaladda dembiyada, IT-ga, xisaabaadka, dhaqaalaha, tirakoobka, baarista waxsoosaarka khayraadka iyo warbixinta miisaaniyadda.
  5. Taageeridda horumarinta unugyada baarista waxsoosaarka khayraadka, dabagalka warbixinnada iyo talo-soojeedinta hantidhowrka, isku xirka hayโ€™adaha hantidhowrista iyo xoojinta fahamka waxtarka mabdaโ€™a hantidhowrista.

Hantidhowrayaasha Guud ee Soomaaliya iyo Turkiga, Mudane Axmed Guutaale iyo dhiggiisa Mudane Metin Yener, ayaa madasha saxiixa heshiiska ka muujiyay sida ay uga goโ€™an tahay wadashaqeyn waxtar leh iyo dhaqangelinta heshiiskan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...