Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Date:

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Injineer Cabdullaahi Aamir Al-Swaha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta adeegyada dowladda dhijitaalka ah, dhismaha kaabeyaasha isgaarsiinta, iyo maalgelinta tiknoolajiyadda casriga ah ee kor u qaadaysa adeegyada dadweynaha.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa qeyb ka ahaa Maareeyaha Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yasin Sheikh, oo kulanka uga qeyb qaatay dhinaca farsamada iyo qorsheynta istaraatiijiga ah ee la xiriirta shabakadaha isgaarsiinta iyo nidaamyada dhijitaalka ah.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa, iyadoo Wasiirka Isgaarsiinta Sacuudi Carabiya uu si gaar ah ugu amaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Isgaarsiinta dadaalka xooggan ee ay ugu jiraan horumarinta isgaarsiinta iyo adeegyada dhijitaalka ah.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyagoo isku raacay in la dardar-geliyo wada-shaqeynta ku aaddan casriyeynta dowladnimada iyo ka faaโ€™iideysiga tiknoolajiyadda casriga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...