Wasiiru Dowlaha Caafimaadka XFS oo ka qeyb gashay Shir caalami ah

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryam Maxamed Xuseen, iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa ka qeyb galay shir muhiim ah oo caalami ah, kaas oo looga hadlayay sidii kor loogu qaadi lahaa helitaanka daawooyin waxtar leh oo lagula tacaalo xanuunnada aan faafin (Non-Communicable Diseases – NCDs).

Shirkan ayaa diiradda saaray muhiimadda iskaashiga caalamiga ah si xal waara loogu helo caqabadaha ay wajahayaan dalalka saboolka ah iyo kuwa soo koraya marka ay timaado helitaanka daawooyin tayo leh, qiimo jaban oo la awoodi karo, gaar ahaan kuwa lagula dagaallamo cudurrada sida macaanka, dhiig-karka, wadne xanuunka, iyo kansarka.

Dr. Maryam ayaa madasha ka jeedisay khudbad ay ku iftiimisay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan la tacaalidda xanuunnada aan faafin iyo sida ay u baahan yihiin taageero farsamo iyo mid dhaqaale si loo xaqiijiyo helitaanka daawada oo gaarta qof kasta oo Soomaaliyeed.

Shirka ayaa fursad u noqday Soomaaliya si ay u xoojiso xiriirka ay la leedahay hey’adaha caafimaadka caalamiga ah, ugana faa’iidaysato fursadaha horumarineed ee la xiriira caafimaadka bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...