Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka mahadceliyay garab istaaga dhaqaale ee dalalka Midowga Yurub

Date:

Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Madaxa EU ee Bariga Afrika, Wakiilka EU ee Soomaaliya iyo Madaxa Qorshaynta Istaraatiijiyadeysan ee Maaraynta Qataraha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka laga sameeyay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda, casriyeynta illaha dakhliga, iyo xoojinta xiriirka Dowladda iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamka.

Sidoo kale intii uu socday kulanka waxaa looga wada hadlay kaalinta Midowga Yurub ee taageeridda arrimaha Maaliyadda gaar ahaan kabka miisaaniyadda Dowladda oo ah taageero joogta ah, taas oo uu Wasiirka Maaliyadda kaga mahadceliyay dalalka midowga yurub taageerada ay had iyo jeer u fidiyaan Dowladda Soomaaliya.

Kulanka kadib, Xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaaciyay in Dowladda Soomaaliya ay ugu deeqeen lacag dhan €10.5 Milan Yuuro oo ah kab miisaaniyadeed oo lagu horumarinayo arrimaha adeegga dad-weynaha iyo waxbarashada oo Dowladda Soomaaliya ay muddooyinkii la soo dhaafay mudnaan gaar ah siinaysay.

Wasiirka Maaliyadda ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalintooda joogtada ah ee kabka miisaaniyadda, gaar ahaan taageerada wax ku oolka ah ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo waxbarashada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Duqa Muqdisho oo ka qeyb galay munaasabad lagu dhiirrigelinayay doorka dhallinyarada ee ilaalinta nadaafadda xeebaha

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Miami Beach oo lagu qabtay munaasabadda “Somali Stars Night 2026”

Magaalada Miami Beach ee gobolka Florida ayaa lagu qabtay...

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed,...