1. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo socday muddo laba maalmood ah.
2. War Murtiyeed ka ka kooban 10 qodob oo laga soo saaray Shirka Golaha Wadatshiga Qaranka, kuwaas oo diiradda saaray u midoobidda dagaalka argagixisada, dardar gelinta diiwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka, aqoonsiga SSC Khaatumo, iyo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka soo talo bixiso sida laga yeelayo xaaladda sharci ee Dowlad Goboleedka Jubbaland
3. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay General Michael E. Langley, oo ah Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM), ayagoo ka wada hadlay dadaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta iyo xoojinta isku-duwidda hawlgallada la xiriira iskaashiga ballaaran oo ay qeybta ka yihiin AUSSOM.
4. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Allah ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
5. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha, isagoo sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay dhiirigelinta wax soo-saarka gudaha oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro isku-filnaansho cunto.
6. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax oo ka mid ahaa Ugaasyada dhaqanka Soomaaliyeed ee kaalinta weyn ka soo qaatay nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.
7. Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa furay adeegga kaabayaasha dhijitaalka ee Hay’adda Aqoonsiga ee NIRA.
8. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo Algeria uga soo qeyb galay shirweynaha Guddoomiyaasha Baarlamaanadda Carabta.
9. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan magaalada Algiers kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Aljeeriya Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta.
10. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali oo la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Turkiye ka dhaxeeya.
11. Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir ka wada diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka caasimadda, iyaga oo isku diyaarinaya u gudbidda ka bilaabidda diiwaan galinta degmooyinka gobollada dalka oo ay ugu horeeyaan xarumaha dowlad goboleedyada.
12. Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay Danjire Harriet Mathews oo ah Agaasimaha Guud ee Dowladda Britain Arrimaha Afrika.
13. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Wasiirka Shaqada ee Qadar Cali bin Samikh Al-Marri , iyagoo ka wadahadley xoojinta wadashaqeynta ee labada dal ee ku aaddan arrimaha shaqada, horumarinta goobaha shaqada, ballaarinta tababarada iyo kor u qaadista fursadaha shaqada.
14. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac oo Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda ugu hambalyeeyey dhammaan suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo bahda warbaahinta guud ayaa bogaadiyeey kaalinta ay warbaahinta iyo suxufiyiinta ay ka qaadanayaan wacyigelinta bulshada ee ka hortagga fikradaha xaqjirnimo iyo nabad-dhiska.
15. Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Mudane Axmed Xasan Aadan ayaa la kulmay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya, Mudane Etienne Peterschmitt.,iyagoo ka wada hadlay sidii taageero buuxda looga heli lahaa kalluumeysatada.
16. Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa khadka telefonka kula hadley Ku-Simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Suudaan, Danjire Hussein Al-Amin, isagoo adkeeyay mowfiqka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee taageeridda,nabadda iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Suudaan.
17. Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ku bogaadiyey jab xooggan oo 30 ka tirsan maliishiyada argagixisada khawaarijta lagu dilay deegaanada Muqluga Cali, Ceelhareeri, Hareeri Madoobe iyo Garas Magan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka HirShabeelle.
18. Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa dhagax dhigay dib u dhiska waddo laami ah ee isku xiri doonta Degmada Guriceel iyo Dhuusamareeb, taasi oo lagu dhisayo iskaashiga maamulka iyo shacabka Galmudug.
19. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Daahir Shire Maxamed oo ka qeyb galay Shirka Kheyraadka Dabiiciga ah ee Istanbul ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ay Soomaaliya ay soo saaran doonto shidaalka ku jira dhulkeeda.
20. Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji Aadan iyo Ku-Xigeenka Danjiraha Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya, Amb Maxamed Al-Mudeyri ayaa Muqdisho ka sagootiyay gabdho mataano ah oo isaga dhaqan xubinta kaadi heysta oo qaliin caafimaad ah looga sameynaaya Sacuudi Caraabiya .
21. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Asad Cabdirizaaq Maxamed oo dalka Sir Lanka ugu qeyb-galay shir looga hadlaayey horumarinta beeraha , arrimaha degaanka iyo isbeddelka cimilada ayaa kulan doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Marwo Harini Nireka Amarasuriya.
22. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa soo agaasintay kulan hordhac ah oo lagu diyaarinayay ka qaybgalka Shirweynaha Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada ee 30aad (COP30), kaas oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Belem ee dalka Brazil.
23. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Indonesia Dr. Faysal Axmed Salaad, ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ku wareejiyey Madaxweynaha dalkaas Md Prabowo,
24. Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) ee Soomaaliya ayaa laba Heshiis Is-Afgarad (MOU) ah la saxiixatay Hay’adda Isgaarsiinta iyo Warbaahinta Malaysia (MCMC) iyo Hay’adda Amniga Internetka ee Malaysia (CyberSecurity Malaysia).
25. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Riyadh kulan kula yeeshay Wasiir ku-Xigeenka Shaqada iyo Horumarinta Bulshada ee Boqortooyadda Sacuudiga, Mudane Dr. Abdullah bin Nasser Abuthnain.
26. Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) ayaa ka qeyb galay shirka booliiska dalalka ku midoobay urur-goboleedka EAPCCO, oo lagu qabtey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiyaa.
27. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 7-aad ee Caalamiga ah ee Badqabka iyo Caafimaadka Shaqada oo ka dhacay magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
28. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamuud Aadan Geesood ayaa kulan la yeeshay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal iyo horumarinta warshadaha iyo dhiirrigelinta maalgelinta gaar ahaan dhinaca ganacsatada Soomaaliyeed.
29. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Maryama Mohamed Hussein ayaa si rasmi ah u soo xirtay wajiga 3aad ee ololaha qaliimada carruurta ku dhasha wadna daloolka, kaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Caafimaadka, Isbitaalka Somali Sudanese, Hormuud Salam Foundation, Hay’adda Cuntada iyo Isbitaalka Wadnaha ee Mogadishu Heart Center.