Wasiirro ka tirsan XFS oo sagootiyay xujeydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee Sanadkaan

Date:

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ka sagootiyay xujeydii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee sanadkan, kuwaas oo tiradoodu gaareyso 431 ruux, kuwaasoo u safraya gudashada waajibaadka acmaasha xajka.

Munaasabadda sagootinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Robow Cali; Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Caaji Aadan; Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Faarax Nuux; Guddiga Xajka iyo mas’uuliyiin kale.

Tirada guud ee xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 1446 Hijriya safri doonta ayaa lagu qiyaasay ilaa 11,500 ruux, kuwaas oo maanta ka kala dhoofaya garoomada diyaaradaha ee Hargeysa, Puntland, iyo Muqdisho. Howlaha dhoofinta xujeyda ayaa si rasmi ah u billowday 9-ka May 2025, waxaana la qorsheeyay inay socon doonaan illaa 31-ka bishan.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee XFS, iyadoo kaashaneysa Guddiga Xajka iyo Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sucuudiga, ayaa dadaal ugu jirta sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si habsami leh oo hufan u gudan lahaayeen waajibaadka xajka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka la wareegay

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka...

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Isku Dayga Israa’iil ee Xadgudubka Madax-bannaanida JFS

Guddiga Midowga Afrika ayaa muujiyey walaac xooggan, waxayna si...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka ayaa maanta billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta...

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed oo ka dhacday Baydhabo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...