Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka  oo shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah

Date:

kulanka 11-aad ee Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Ugu horeyn Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka ayaa xubnaha guddiga joogtada ah la wadaagay warbixin ku saabsan shaqooyinka golaha iyo sida ay muhiimka u tahay habsami u socodka howsha golaha. Waxaana intaas ka dib guddiyada laga dhageeystay warbixin ku saabsan shuruucda hortaala iyo marxaladaha ay marayaan.

Ugu dambeyn kulanka guddiga joogtada ah ayaa lagu ajendeeyay kulamada guud ee Golaha Shacabka ee todobaadka soo socda, waxaana u codeeyay xubnaha guddiga joogtada.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa u mahadceliyay xubnaha guddiga joogtada ah, wuxuuna kula dardaarmay in la dardargeliyo shaqada golaha si looga shaqeeyo shuruucda horumarka u ah dowladnimadeenna.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Waxaa magaalada Baydhabo lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay, laguna...

Maareeyaha Batroolka Qaranka oo shaaciyay cadadka shidaalka laga helay Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Batroolka Qaranka, Eng. Cabdulqaadir Aadan...

Duqa Muqdisho oo ka hadlay dhismaha Waddada Jamhuuriya ee degmada karaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho,Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab),...